Borama News Network

Ruushka oo maxkamad soo taagay afar nin oo lagu eedeeyay weerar ay dad badan ku dhinteen oo dalkaasi ka dhacay

Ruushka ayaa dacwad ku soo oogay afar nin oo ay ku sheegeen inay weerar ku dileen ugu yaraan 137 qof.

Afarta nin ee looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dableyda weerartay hoolka riwaayadaha ee magaalada Moscow ayaa ka soo hor muuqday maxkamad, iyadoo sida muuqata jirdil xun loo geystay, mid ayaa u muuqday in miyirkiisu uu liitu.

Waxaa lagu soo oogay fadhigii maqribnimo ee maxkamadda in ay galeen fal dambiyeed argagixisanimo. Maxkamada ayaa sheegtay in labo ay qirteen dambiga.

Ruushka ayaa u baroor diiqaya dadkii lagu laayay xasuuqii ka dhacay hoolka ruwaayadaha ee Crocus City. Ila aiyo hadda tirade dhimashada ayaan la so oaf meerin, maadaama wali maydad laga baarayo gudaha hoolka.

Waddanka oo dhan calanka saddex midablaha ah ee Ruushka ayaa babanaya isaga oo hoos la dajiyay kala bar halkii saree e uu ka Baban jiray.

Related posts

Banaanbaxyo Waawayn Oo Lagaga Soo Horjeedo Ciidamada Maraykanka Oo Ka Dhacay Dalka Niger

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Diiday Ka Qayb Galka Shirkii Urur Goboleedka IGAD Ee Ay Jabuuti Abaabulaysay

Abdiaziz Bnnstaff

Caasimadda Hindiya Oo Ceeryaamo La Isla Arki La’Yahay Xilli Ay Baaqdeen in ka Badan 100 Duulimaad

Abdiaziz Bnnstaff