boramanews.com

Soomaaligii uu Talyaanigu ka qafaalay Masar ee diiday in uu saxiixo xeer ku qaban lahaa maantad

Waxa uu ahaa fariid noloshiisa oo dhan u taagnaa difaaca iyo danaha Soomaalida. Isaga oo sagaal iyo toban jir ah ayuu Talyaanigu ka qafaalay Masar, waxa uu sabab u ahaa isfahamkii Jabuuti ku dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam. Waxa uu diiday malaayiin doolar oo laaluun ah si uu u saxiixo heshiis caalami ah oo qaban lahaa qofwalba Soomaali ah maanta.

Allaah ha u naxariisto Barafasoor Maxamuud Macallin Cali Tuuryare oo ku dhintay magaalada Xamar 13 bishan July wuxuu ahaa qof magac weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda. Barafasoor Tuuryare oo ku dhashay tuulada Ceelbaraf ee degmada Mahadaay sanadkii 1941dii waxa uu dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed usoo qabtay shaqooyin kala duwan oo qiimo badan. Nin dhinaca aqoonta iyo waxbarashada iyo waayo-aragnimada ku tilmaaman buu ahaa, waayo wuxuu ahaa nin fahmo badan oo aad u jecel waxbarashada. Waxaana sidaas ku barbaariyey aabbihiis oo ahaa macallin quraan.

isagoo yar ayaa la keenay Xamar halkaas ayuuna ka billaabay barashada aqoonta kala duwan ee diinta islaamka iyo afka carabiga markii uu noqday xerow cilmi barashada u go’ay. Markii uu meel fiican ka gaadhey taas oo uu weliba ku darsaday xoogaa waxbarasho casri ah ayuu 1954-kii deeq waxbarasho ka helay boqortooyadii Yemen ee Sanca fadhigeedu ahaa. Afka carabiga iyo shareecada islaamka ayuu ka bartay jaamicad Sanca ku taalley. Kabibna wuxuu deeq waxbarasho oo kale ka helay midowgii Soofiyeeti, gaar ahaan jaamicadda Lumumba oo uu ka qaatay darajada masterka 1965-kii, qaybta qaanuunka.

Related posts

Trump Oo Ciidamo Dheeraad Ah u Dirayo Minneapolis Si Looga Saaro Soomalida Sharci La’aanta Ah.

Cabdi Casiis

Shirka Golaha Wasiirada Somaliya Oo Lagu Wado In Uu Ka Qabsoomo Magaalada Laascaanood

Cabdi Casiis

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Codsaday In Lala Heshiisiiyo Puntland, Jubaland, Iyo Mucaaradka Kale.

Cabdi Casiis