Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Safar Ku Tegaya Dalka Sucuudiga Iyo Waxa Uu Daaranyahay Safarkaasi

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka dowladda taabacsan ee SONNA, ajandaha booqashada Xasan Sheekh ku tagay Sacuudiga waxaa ka mid ah wadaxaajood muhiim ah oo mas’uuliyiinta Sacuudiga kala yeelan doono arrimo ku qotoma danaha labada dal, gaar ahaan amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Faahfaahin intaas dheer lagama bixin ujeeddada ka dambeysa booqashada Madaxweyne Xasan xilligan Sacuudiga ku tagey.

Sacuudiga iyo xulufadiisa Carbeed oo ay ku jiraan Imaaraatka iyo Masar ayaa il gaara ku haya xiriirka sii koraya ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Ankara, iyaga oo u arka in Turkigu lugaha ku soo fidsatay sabad Carbeed.

Related posts

Soomaaliya Iyo Hindiya oo kawada hadlay fududaynta Dalka ku galka

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Doonaya In Uu Casilo Xildhibaan Ilahaan Cumar Ka Dib Markii Ay Taageero Xoogan U Muujisay Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Taliyihii Ciidamada Dalka Kenta Iyi Saraakiil sarsare Oo Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Abdiaziz Bnnstaff