Kumanaan Qoys Oo Ku Barakacay Fatahaadaha Wabiga Shabeele Ee Deegaanada Gobolka Shabeelaha Dhexe

Waxaa kordhay Khasaaraha hantiyeed iyo saamaynta nololeed ee ka dhalatay wabiga Shabeelle oo ku fatahay ilaa 92-tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida uu sheegay maamyulka gobolka.

Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ay fatahaadda wabiga ku barakaceen in ka badan 244-kun oo Qoys, kuwaas oo isugu jiray Beeraley, Xoolo dhaqato iyo dad tuulooyinka daganaa,ayag oo hadda u baahan kaalmo.

Dhul beereedyo badan oo ay ka baxayeen dalagyada sida Sisinta, Galleey, Bariis, Digir iyo khudaarta nuucyadeeda kala duwan ayaa sidoo kale ku baaba’ay fatahaadda wabiga, waxaana beeraleyda oo faa’iido ka filayey tacabkooda ay hadda ku qasbanaadeen inay cid kale ku tiirsanaadaan.

Dadka ku barakacay fatahaadda ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay maareeyaan nolol maalmeedkooda, waxaana wali jira cabsi laga qabo inay fatahaaddu gaarto deegaano kale, sida maamulka gobolku sheegay.

Fatahadda wabiga Shabeelle oo ku soo laalaabatay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa khasaaro maaliyadeed gaarsiisay bulshada gobolladaas oo markii horeba u nuglaa masiibooyinka dabiiciga ah, waxaana ay fatahaaddu caqabad ku noqotay wax soo saarkii beeraha iyo hankii ay dadku ka lahaayeen inay koboc dhaqaale sameeyaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Nin Ku Eedaysan Kufsigii Iyo Dilkii Marxuumad Xamdi Maxamed Oo Lagu Qabtay Mudug

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin :- Suuro Gal Matay In Ay Somaliland Isku Mar Ka Qabsoomaan Doorashooyinka Golayaashu

Bnnstaff Bnnstaff

Mustafe Maartin Oo Sheegay In Uu U Tartamayo Madaxwayna Somaliya Oo Lagu Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More