Borama News Network

Ruushka oo Duqayn Culus Ku Beegsaday Saldhig Ciidanka Ukraine ay joogeen.

Ukraine ayaa mar kale waxaa weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, sida ay saraakiishu sheegeen, kadib laba maalmood oo weeraro waaweyn oo dhanka cirka ah oo ay labada dhinac is waydaarsanayeen.

Waxaa jira warar sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen magaalooyinka Kyiv iyo Kharkiv, halkaasoo duqa magaalada uu sheegay in dhismayaal la deggan yahay ay gubanayaan.

Xukuumadda Moscow ayaa ka aargoosanaysay duqaymaha ay dowladda Ukraine Sabtidii shalay ka geysatay magaalada Belgorod ee xadka Ruushka, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.

Taasi waxay timid ka dib markii Ruushku uu duqaymo ka fuliyay guud ahaan Ukraine Jimcihii.

Duqeymahaas oo ay ku dhinteen 39 qof ayaa Kyiv waxa ay ku tilmaantay duqeyntii ugu weyneyd ee Ruushka uu gaysto dagaalka.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo Ukraine ay gashay maalintii ugu dambeysay ee sannadka 2023.

Nidaamka difaaca cirka ee Ukraine ee gobolka ku hareeraysan caasimadda Kyiv ayaa ku hawlanaa galinkii dambe ee sabtidii si ay isaga caabiyaan weerar ay soo qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, maamulka militariga ee gobolka ayaa sidaas ku sheegay barta Telegram.

Weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen waqooyiga bari ee magaalada Kharkiv, duqa magaalada Ihor Terekhov ayaa isaguna sidaas ku sheegay Telegram.

“Kuwani maaha xarumo ciidan, laakiin waa maqaaxiyo, dhismayaal la dego iyo xafiisyo,” ayuu yidhi.

“Habeenka sanadka cusub, Ruushku waxay rabaan inay cabsi geliyaan magaaladeena, laakiin ma cabsaneyno – waxaan nahay kuwo aan la jabin karin oo aan laga adkaan karin.”

Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay, lamana oga tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Related posts

Urur Goboleedka IGAD Oo Digniin Ka Soo Saaray Roobab Mahiigaan Ah Oo Ku Soo Fool Leh Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Dal Biyo Iyo Koronta Lacag La’aan Ah Siiyana Dadwaynaha Ku Nool Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Bahabar Aadan Iyo Muuse Biixi Way Is Yaqaanan Madaxweyne Agabar Yaanay Goojacde Noqon” Masuulyiinta Degmada Agabar

Abdiaziz Bnnstaff