Borama News Network

Soomaali Iyo Itoobiyaan laga soo badbaadiyay kooxaha loo yaqaan Magafayaasha Liibiya.

Waxaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo in ka badan 200 oo ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaas oo u qafaalnaa Kooxaha lacagaha badan ka sameeyay madax-furashada tahriibayaasha ee loo yaqaan Magafayaasha Liibiya ku sugan.

Dadkaan ayaa u badan dhallinyaro kuwaas oo ku doodaya in sababta ay u marayaan halistaas wayn ay tahay in ay raadinayaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda ayaa lagu xirtay Dalka Liibiya si ehelkooda madax-furasho looga qaato.

Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa sheegay in xabsiyada Dalkaas laga sii daayay dad badan oo oo Soomaali & Itoobiya isugu jiray kuwaas oo haatan la qorshaynayo tallaabadii loo qaadi lahaa dib ugu celinta Dalkooda.

Xabsiyo badan oo ku yaalla waxaa ku xiran tahriibayaal Soomaali ay qayb ka tahay kuwaas oo qaarkood ay ehelkooda awoodi waayeen bixinta lacagaha madax-furashada ah ee Kooxahaas ay ka rabaan si ay usii daayaan.

Howlgal caalami ah oo looga hortagayo tahriibayaasha naftooda halista wayn gelinaya ayaa ka socda Dalka Liibiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika si loo xadido ama guud ahaan looga hortago tahriibinta Dadkaas lacagaha sida qasabka ah looga qaato.

Related posts

Daawo Sheekada Nuuradiin (Owliyo) Oo Maalmihii Ugu Dambeeyay Baraha Bulshada Heesaha Jacaylka Ka Qaadayay.

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyay In Ay Aqbaleen Natiijadii Doorashada Ee Koomishanku Shaaciyeen

Abdiaziz Bnnstaff

“Reerka aan kasoo jeedo Madaxweyne Muuse wuxuu nagu caydhiyay in aanu Waddani nahay..” Suldaan Daakir

Abdiaziz Bnnstaff