Borama News Network

Talyihii hore ee ciidanka Booliska oo ka mid noqday Wasiirrada cusub ee maamulka SSC-Khaatumo

Talihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa ka mid noqday Wasiirro cusub kuwaas oo dhawaan uu magacaabay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali.

Golahaan Wasiirrada oo shalay galab la magacaabay ayaa liiska waxaa markii ugu horreysay ka soo dhexmuuqday Talihii hore ee ciidanka Booliska Gen. Xijaar, isaga oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta yo Dastuurka ee maamulka SSC-Khaatumo.

General Xijaar ayaa August 25, 2019-kii Madaweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay in uu noqda Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyada oo xilka laga qaaday June 26, 2023-ka ka dib Golaha Wasiirrada ay xilkaas u magacaabay General Sulub Axmed Firin oo illaa hadda ah Taliyaha Booliska.

General Xijaar oo ka mid ah saraakiishii waqtiga dheer la soo shaqeysay Madaweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la rumeysan yahay in uu ka mid ahaa madaxda kaalinta ku lahayd dib u dhiska maamulka SSC-Khaatuma oo aqoonsi ku meel gaarka ah ka heysta dowladda Soomaaliya.

Sida ku xusan sooyaalkiisa; Waxbarashadiisa aas-aasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, isaga oo Sanadkii 1975-tii uu ka mid noqday ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.

Laba sano ka dib 1977-kii ayuu ka mid noqday ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, waxa uu Tababarkiisii ugu horeeyay ku qaatay dugsiga General Daa’uud. Tababarka Kumaandooska ayuu ku soo qaatay Mareykanka iyo Jarmalka.

Related posts

Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Way Wada Iibsanyihiin Waana Caruur” Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamadda Sare Oo Xukunkii Ugu Dambeeyay Ku Ridday Sayid Cali Macalim Daa’uud

Abdiaziz Bnnstaff

Wafdigii ku baxay xal u helista Dagaal-beeleedka Luuq oo kulamo ka billaabay Degmadaas

Abdiaziz Bnnstaff