Borama News Network

Dowlada Somaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka arinsanaya Sidii Loo Dhisi Lahaa Gudi Isku Dhaf Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay  Kuxigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Raisedon Zenenga.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Qaramada Midoobay ayaa diiradda waxaa lagu soo saaray amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale Danjire Fiqi iyo Raisedon ayaa wada gorfeeyey hababka iyo qaab-dhismeed lagu dhisayo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaas oo ka shaqeyn doona hannaanka kala guurka ee la qorsheynayo in lagu gaaro xafiiska Qaramada Midoobay.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay codsatay in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taas badalkeeda ay u wada shaqeeyaan sida ay u wada shaqeeyaan dalalka caalamka iyo Qaramada Midoobay.

Ka hor inta la xirin gabi ahaanba xafiiskaan ayaa la qorsheenayaa in la dhiso guddi isku dhaf ah oo kala socda dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, guddigaan ayaa ka shaqeyn doonaa sidii loo soo gabagabeyn lahaa Xafiiska Wakiilka Gaar ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Hawlgalka Atmis Oo Lagu Eedeeyay In Ay Somaliya Soo Galiyaan Hub Sharci Daro Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Ardayda Jaamacadda Columbia oo kordhiyay bannaanbaxa ay ku taageerayaan Falastiin

Abdiaziz Bnnstaff

Sidee ayay Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ku heshay burburka Diyaaraddii Helicopter-ka ee Ibrahim Raisi?

Abdiaziz Bnnstaff