Borama News Network

In ka badan 50 qof ayaa kuleyl ugu dhintay Hindiya saddex maalmood gudahood

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayey kuleyl u dhinteen dad ka badan 50 qof dalka Hindiya oo kuleyl aad u weyn uu ka jiray qeybo ka mid ah.

Ku dhawaad 33 qof ayaa kuleyl dartii ugu dhintay gobolka waqooyiga ee Uttar Pradesh. Dadka dhintay waxaa ku jira kuwa ka shaqeynayay doorashooyinka guud.

Gobolka Odisha waxaa kuleylka u geeriyooday 20 qof sida ay sheegeen sarkiil halkaas joogta.

Dad kale oo geeridooda lala xiriirinayo kuleylka ayaa laga soo sheegay gobolada Bihar, Madhya Pradesh iyo Jharkhand.

Xarunta xakameynta cudurada ee Hindiya ayaa ku tilmaantay kuleylka in uu yahay mid halis gelinaya noolaha.

Dhowr gobol oo kale ayaa waxaa ka jira biyo iyo koronto yari taas oo ka timid sida weyn ee loo isticmaalay korontada. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco

Related posts

“Waxan Dhisi Doonaa Ciidan Laga Baqo Oo Aqoonyahanno Ah”Musharraxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID

Abdiaziz Bnnstaff

Borama Oo Maanta Laga Shaaciyay Gudoomiyaha Beelaha Madaxyowaynta Makaahiil

Madaxwayne Deni Oo Soo Bandhigay Sababta Ag Puntland U Joojisay Isticmaalka Lacagta Shilin Somaliga Ah

Abdiaziz Bnnstaff