Borama News Network

Sacuudiga oo ka digay kulayl daran inta lagu guda jiro Xajka sanadkan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii sheegtay in xujeydu ay filan karaan heer kul daran oo gaaraya 44 darajo Celsius (111 Fahrenheit), inta lagu guda jiro xilliga Xajka.

Madaxa Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada, Ayman Gholam, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri, “Cimilada la filayo ee Xajka ee sanadkan waxay ka markhaati kacaysaa kororka heerkulka celceliska hal iyo bar ilaa laba darajo oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Maka iyo Madiina. ”

Waxa uu intaa ku daray in saadaashu ay tilmaamayso “uumiga huurka uu yahay 25%, halka aysan jirin heerarka roobabka la filayay.”

Sannadkii hore, in ka badan 2,000 oo qof ayay lasoo deristay daal kuleyl ah, sida ay ogaadeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, kaddib markii heerkulku uu gaaray 48 darajo Celsius (118 darajo Fahrenheit).

Ugu yaraan 240 qof oo qaar badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen Indonesia – ayaa dhintay intii lagu jiray gudashada waajibaadka xajka, sida laga soo xigtay tirooyinka ay shaaciyeen dalal kala duwan oo aan sheegin sababaha dhimashada.

Sacuudi Carabiya dhinaceeda ma aysan bixin tirakoobka dhimashada.

AFP.

Related posts

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdusho Iyo Dad Shacab Ah Oo Ku Dhintay Qaraxaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Dad Hubaysan Oo Itoobiyan Ah Oo La Wareegay Deegan Ku Yaala Gudaha Dalka Sudan

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Somaliya Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Cabashooyinkii Ku Saabaanaa Cashuurta

Abdiaziz Bnnstaff