Borama News Network

Maxay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Danjiraha Sweden ee Soomaaliya?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dalka Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern iyaga oo kawada hadlay xaaladda Dalka, taageerrada Stockholm ee Muqdisho & howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Wasiir Jaamac ayaa Danjire Joachim la wadaagay dedaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee Dowladda Federaalka iska kaashanayaan Dowlad-Goboleedka xubnaha ka ah Dowladda iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda ee Gobollada Dalka ka socda.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay in ay ‘AS’ Ka qabsato deegaannada ay joogaan taasina muhiimad gaar ah u leedahay Soomaalida iyo Caalamka.

Danjiraha Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern ayaa dhankiisa soo dhaweeyay qorshaha Dowladda Federaalka ee dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & sida ay u raadinayso taageerrada caalamiga ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Related posts

Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Ninkii Gaadhiga Jiidhsiiyay Ilmaha Yar Ee Baxsaday

Abdiaziz Bnnstaff

Mudaharaado ka dhan ah, xisbi doonaya in muhaajiriinta laga masaafuriyo Jarmalka

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweye Farmajo oo ka falceliyay khudbadda Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee uu maanta kajeediyay baarlamaanka

Abdiaziz Bnnstaff