boramanews.com

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mustafa Duhulow, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray daba-galka qodobadii hore looga wada hadlay iyo qiimeynta horumarka laga gaaray iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah xoogga loo saaray arrimaha la xiriira dal-ku-galka (visa), baasaboorrada, iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta, iyagoo tilmaamay in horumarka socda uu qeyb ka yahay dadaallada lagu hormarinayo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Labada dal ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah, iyagoo iska kaashada dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Related posts

Mareykanka iyo Iiraan oo bixiyey sababta ay u fashilmeen wada-hadalladii nabadda

Cabdi Casiis

“Ismaaciil Cumar Geelow hadii shacabka khaatiyanka ah ee Jabuuti kugu dareero oo anagu” Xasan Shahar

Cabdi Casiis

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Sheegay Hadal Culeska Ku Kordhi Kara Iiraan

Cabdi Casiis