Borama News Network

Madaxweyne Maxamuud Cabaas: Falastiin waa in ay u midowdaa iska dhicinta Cadawgeeda.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin oo ka hadlay dilkii loo geystay Madaxii Siyaasadda ee Xamaas Allaha unaxariistee Ismaaciil Haniyah ayaa cambaareeyay beegsigaas lagu sameeyay hoggaamiyahaas.

Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in Falastiin ay u midowdo sidii ay isaga dhicin lahayd Cadawgeeda beegsanaya isla markaana loo baahan yahay midnimo & wadajir lagu wajaho sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Cabaas ayaa intaas ku daray in dhiig weliba oo ka daata qof Falastiini ah uu sii kicinayo dad badan oo naftooda u hibeynaya sidii ay isaga dhicin lahaayeen Cadawga kusoo duullay ee dhibaatada xooggan u geystay.

“Waxa aan cambaareynayaa dilka Magaalada Tehran loogu geystay Allaha u naxariistee Ismaaciil Haniyah, waxa aan Falastiiniyiinta ugu baaqayaa midnimo iyo in ay iska dhiciyaan Cadawgooda kusoo duullay” Ayuu yiri Maxamuud Cabaas Hoggaamiyaha Falastiin.

Ismaaciil Haniyah ayaa Aroornimadii hore ee Arbacada Maanta la shaaciyay geeridiisa iyada oo Dowladda Iiraan ay tilmaamtay in lagu dilay Magaalada Tehran balse ma bixin faah-faahin intaas ka baxsan sida cidda dishay & xogaha ay hayaan.

Related posts

Xukuumadani Waa Fule Nabad Diida Oo Dheg Iyo Dhaban Ayaa La Inagu Dhiftay” Gudoomiye Wali

Abdiaziz Bnnstaff

Nasrallah: “Meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena

Abdiaziz Bnnstaff

“Faan joogto ah ayaa Muuse laga fadhiyi kari waayay Ilaa Qaaxo, Muftaaxii dagaalkaan haya” Xildhubaan Khadar Guun

Abdiaziz Bnnstaff