Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ay fulisay dalab ay u dirtay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline ay aqbasha in ay beddesho bogeeda tigidhada laga goosto oo marka Hargeysa loo socdo qeexaya in ay tahay Somaliland.

Warqad ay shirkadda Itoobiya soo dirtay ayay ku sheegtay in wakhti loogu daro si’ay arrintaas u hirgeliso balse Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa diiday codsigaasi.

Agaasimaha xidhiidhka warbaahinta iyo dadweynaha ee Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Rayidka Axmed Cismaan Cabdi ayaa BBC u xaqiijiyay arrintan.

Agaasimaha ayaa sheegay in Shirkadda ay xiriir la soo sameysay wasaaradda iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayna arrimahan ka wadahadleen.

Dhanka kale wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in ay”aqbaleen islamarkana saxeen” codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Duulimaadka magaalada “Hargeysa” oo markii hore mareegta Ethiopian Airlines, ku qornaa oo kali ah Hargeysa ayaa galabta loo bedelay “Hargeysa, Soomaaliya”.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay shirkadda in ay ku xadgudbayso qarannimada Soomalaaliya islamarkana ay tahay in ay saxdo khaladkaasi.

Warqad ka soo baxday hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, inay shirkadda “Ku xad-gudubtay Qaranimada”; Waxaana lagu xusay in arrintan ay la xiriirto ereyga ay shirkaddu u isticmaasho meelaha ay ay diyaaradaheeda ka degaan.

Hore waxa ay Ethiopian Airlines ku sheegtay Duullimaadkeedii ay ku tagto Magaalada “Hargeysa”, “Somaliland”.

Hay’adda duulista rayidka Soomalaiya ayaa ku hanjabtay haddii shirkadda aysan aqbalin dalabkooda ay ka joojin doonaan hawada Soomaaliya.

Isku day ay BBC sameysay inay kula xiriirto shirkadda diyaaradaha ee dalka Itoobiya ayaan wali noo suurgalin, islamarkana kama aysan jawaabin wicitaankeena.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay isku dhacaan shirkadda Ethiopian Airlines iyo dawladda Soomaaliya tan iyo markii ay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ay heshiis dhanka badda ah la saxeexatay dowladda Itobiya.

Bishii January, Diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa, ayaa waxaa dib u celiyay Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliya, ka hor intii aanay soo gelin hawada Soomaaliya.

Sidoo kale, Bishii February, Diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airlines oo ku duuleysay Hawada Soomaaliya ayaa muran ka dhashay ka dib markii sida la sheegay ay isku dhici gaareen diyaaradda shirkadda dalka Qatar.

Related posts

Xasan Sheekh oo booqday xerooyinka tababarka ciidanka Soomaalida ee Dalka Eritrea + SAWIRRO

Abdiaziz Bnnstaff

Midawga Yurub Oo Kormeer Ku Sameeyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Hadalka Ugaaska Wax Ka Dameeyaa Ma Jiro” Madaxdhaqmeedka Gobolka Awdal Oo Taageeray Baaqii Ugaaska

Abdiaziz Bnnstaff