Borama News Network

Kamala Harris oo qaadatay hirgelinta siyaasadda madaxweyne Biden ee arrinta Qasa

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa difaacday isbedellada ay sameeyeen siyaasadda muddo xilleedka iyada iyo madaxweyne Biden iyo wakhtigeeda Aqalka Cad xilli ay bixinaysay warraysigii ugu horreeyay tan iyo markii ay noqotay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga.

Harris ayaa ku dooday in maamulka madaxweyne Biden uu awooday in uu yareeyo qulqulka dadka xuduudaha kasoo gudbaya ee sharci darrada ah bilahii lasoo dhaafay iyo in uu dhaqaalaha dib-u-soo nooleeyo kadib xanuunkii baahsanaa ee COVID-19.

Ms Harris waxay ku doodday in maamulka Biden uu awooday inuu yareeyo xuduudaha sharci darrada ah bilihii la soo dhaafay oo uu “ka soo kabsado dhaqaalaha” kadib masiibada.

Waxay ugu yeedhay siyaasadaha Aqalka Cad “guul”, si gaar ah waxay farta ugu fiiqday hoos u dhaca kharashka daawada iyo heerka shaqo la’aanta: “Taasi waa shaqo wanaagsan. Waxaana jira wax badan oo ay tahay in aan qabanno.”

Ms Harris waxa ay ka soo muuqatay waraysi hore loo duubay oo CNN oo ay la yeelatay iyada ku xigeenkeeda, gudoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz. Waxuuna ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah tani iyo markii ay noqotay musharax madaxweyne.

Ms Harris ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay dagaalka Gaza, waxayna ku celisay mawqifka Aqalka Cad ee ah in Israa’iil iyo Xamaas labaduba ay “heshiiyaan” iyo in Falastiiniyiintu ay mudan yihiin inay yeeshaan waddankooda oo deris la ah Israa’iil.

“Dagaalkan waa in la soo afjaraa, waana in aan helnaa heshiis ku saabsan soo daynta la haystayaasha,” ayay tidhi

Related posts

“Wada Hadaladii Ugu Horeeye Ee Somaliland Iyo Somalia Waxa Lagu Soo Qaaday in La Mideeyo Somaliland Iyo Somalia” Aden Muuse Jibriil

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Sucuudiga Oo Mar Kale Ku Dhawaaqday Dhimashada Dad Cusub Oo Ku Geeriyooday Xajka

Abdiaziz Bnnstaff

“Jeelka Wax Kale Ayaan Ka Aaminsanaa Balse Waan Soo Bartay” Ugbaad Aragsan Oo Ka Hadashay Xadhigeedii

Abdiaziz Bnnstaff