boramanews.com

Bayaanka Iiraan Wax Yar Ka Hor Inta Aan Maraykanku Sheegin In Lagu Fashilmay In Heshiis La Gaadho

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmaeil Baqaei, ayaa hadda soo saaray bayaan ku saabsan xaaladda wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Maraykanka.

Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Baqaei wuxuu ku tilmaamay wada-hadallada kuwo “xooggan”, balse wuxuu sheegay in guusha wada-xaajoodyada socda ay “ku xiran tahay sida ay uga go’an tahay iyo niyadda wanaagsan ee dhinaca kale”.

Baqaei sidoo kale wuxuu ugu baaqay Washington inay ka fogaato “dalabyo xad-dhaaf ah iyo codsiyo sharci-darro ah” isla markaana ay aqbasho “xuquuqda iyo danaha sharciga ah ee Iiraan”.

Arrimaha uu sheegay in laga hadlayo waxaa ka mid ah marin-biyoodka Strait of Hormuz, barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, iyo “in si buuxda loo soo afjaro dagaalka ka socda Iiraan”.

Waxaan dhowaan ka maqli doonnaa dhinaca Maraykanka xaaladda wada-hadallada, maadaama Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka JD Vance uu qorsheynayo inuu hadal ka jeediyo shir jaraa’id oo ka dhacaya Islamabad.

Related posts

Duulimaadyadii Ethiopian Airlines ay ku tagi jirtay gobolka Tegrey oo la baajiyay iyo faah-faahin ka soo baxaysa

Cabdi Casiis

Dowlada Uganda Oo Markii Ugu Horaysay Dhoofinaysa Shidaal

Cabdi Casiis

Faysal: Waa La Inagu Soo Duulay

mustafeamiin@gmail.com