Borama News Network

Booliiska Maamul Goboleedka Puntland Oo Sheegay In Ay Qabteen Ajaanib Katirsan Daacish.

Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Degmada Uffayn ee Gobolka Bari oo lagu soo qabtay Rag ajaanib ah oo lagu sheegay in ay katirsan yihiin Daacish.

Qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in Ragga gacanta Hay’adaha ammaanka ku jira ay gaarayaan labo ruux una kala dhashay Dalalka Suuriya iyo Morooko kuwaas oo lagu kala magacabo Xasan Ibnu Maxamed Ibnu Xuseen & Maxamed Ibnu Maxamed Axmed.

Laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in ay heleen xogta raggaan kahor inta aan lasoo qaban oo si taako-taako ah ula socdeen ciidamada sida lagu yiri qoraalka lagu daabacay barta Booliiska Dowlad-Goboleedkaas.

Waxaa la xiray labada Ruux ee Ajnabiga ah ee Daacish katirsan iyada oo lagu wado in lasoo taago Maxkamadda Militariga Dowlad-Goboleedkaas si loogu qaado xukunka ku xusan kiiska lagu soo eedeeyay sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland.

Ciidamada Sirdoonka Puntland oo kaashanaya Booliiska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa muddooyinkii dambe qaybo kala duwan oo katirsan Gobolka Bari waxa ay ka wadeen howlgallo ay kusoo qabteen Dad ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin ‘AS’ & Daacish.

Related posts

Hindiya:- Arday Muslimiin Ah Oo Tukanayay Salaada Taraawiixda Oo Weerar Lagu Qaaday

Abdiaziz Bnnstaff

“17 Caruura Ayaan Soo Koriyey Muddo 16 Sano Ah Oo Shaqeynayey” Mid Ka Mida Hooyooninka Ka Shaqeeya Xarunta Agoonta

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaan ka ognahay dhulgariirka ka dhacay Addis Ababa iyo qeybo kale oo Itoobiya ah?

Abdiaziz Bnnstaff