Borama News Network

Ciidanka Israaiil oo dhulka la simay Masjidka Al-Faaruuq

Ciidamada Israaiil ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ah goobaha kala duwan ee Magaalooyinka Dhulka Falastiin sida Masaajidda, Iskuullada, Isbitaallada, Guryaha rayidka iyo goobo kale oo ka reeban in la beegsado.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha Bulshada qabsaday sawir laga soo qaaday Masjidka caanka ah ee Al-Faaruuq ee ku yaalla Rafax Koofurta Magaalada Gaza oo dhismihiisa dhulka ay duqayn ku dhigeen ciidamada Yuhuudda.

Burburkaas dadka kama reebin in ay ku cibaadaystaan oo waxa ay dhinac isaga leexiyeen dhagaxaanta dhismaha dumay iyaga oo salaadda halkaas ku dukaday waxaana laga soo qaaday sawirro kala duwan oo fasiraad dhinacyo kala duwan u jihaystay laga bixiyay

Sawirradaas waxaa kamid ah mid kamid ah Dhallaanka reer Falastiin oo ku dul-ducaysanaya mid kamid ah dhismaha Masjida Al-Faaruuq ee Ciidamada Yuhuudda ay ku burburiyeen duqaynta isaga oo alle ka baryaya in uu dhibaatada dulsaaran ka dulqaado.

Imaamka Masjidka ayaa sheegay in cadawtooyada Yuhuudda ay tahay mid muuqata maadaama goobaha laga mamnuucay in lagu xadgudbo ay u bareereen, Dadka ay gaajo ku dileen una diideen gargaarkii loo waday & dhibaatooyin kale oo ay gaysteen.

Mas’uuliyiin qaarkood katirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay xaalado macluul ah oo Dhulka Falastiin ka dhaca sababtu waa in aanay Dadku haysan wax ay cunaan ama ay cabbaan kaddib markii ciidamada Israaiil ay go’doomiyeen.

Yuhuuddu guul kama gaarin dagaalka dhulka oo waxaa looga gubay Gawaarida Militariga oo aad u badan sida Gaadiidka qafilan ee lacagta badan ay kasoo bixiyeen Israaiil iyo saraakiil muhiim ah oo looga dilay dagaalladaas halka kuwo kale dhaawac daran soo gaaray.

Related posts

Diyaaraha Kenya Airways Oo La Wareegay Suuqii Xamuulka Soomaaliya Ee Hore u Heysatay Ethiopia Airlines.

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil oo Xukuumadda Netanyahu ku cadaadinaya raadinta xal lagu dhalin karo xabbad-joojin.

Abdiaziz Bnnstaff

Israaiil oo Duqayn ku dishay ugu yaraan 24 ruux oo Carruur u badan

Abdiaziz Bnnstaff