Booliska dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay baaritaannada iyo howl-galka ay ka sameynayaan waddooyinka Muqdisho qaarkood, iyaga oo sheegay in arrintaasi ay uga gol leeyihiin xaqiijinta amniga caasimadda oo aad usoo hagaagay.
Dhinaca kale, booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay baaritaan ku billaabeen weeraro dhowr ah lagu qaadayay shirkadda isgaasriinta Hormuud.
Haddaba weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa arrimahaasi waxa uu ka wareystay afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe, waxa uuna ugu horreyn weydiiyay howl-galladan cusub ee hadda ka socda Muqdisho?