Borama News Network

Dab Gaystay Khasaara Maaliyadeed Oo Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqa wayn ee Bakaaraha gaar ahaan inta u dhaxaysa Jidka Shirkadaha iyo Cabdalla-Shideeye waxaa ka kacay Dab dhaliyay Khasaara Maaliyadeed waxaana socda gurmad lagu daminayo Dabkaas.

Kooxaha Gurmadka Degdega ah ayaa ku howlan daminta dabkaas si looga hortago in uusan ku faafin dhismaha kale ee ku dhow loona xakameeyo khasaaraha, waxaana la xiray agagaarka goobtu dabkaas saamaynta taban ku reebay.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay isu socodka meelaha u dhow dhismaha gubanaya si loo ilaaliyo hantida kale ee halkaasi taalla isla markaana loo fududeeyo isu gudubka Gaadiidka Dab-damiska.

Dadka isla leh goobaha gubanaya ayaa ku sugan agagaarka goobahaas iyaga oo ka war sugaya natiijada kasoo baxda daminta Dabkaas maadaama Hanti ay ugu hoydeen uu waaga ugu baryay goobtooda oo gubanaysa.

Related posts

Masar Oo Imaraatka Carabta Jasiirad Kaga Kiraysay Lacag Dhan 35 Bilyan Oo Dolar

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Ayaa Milxiis Ka Noqotay Hawadeenii Oo La Aroosayo” Xildhibaan Guruuje Oo Afka Furtay Dagaalna Iclaamiyay

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Gaadhay Wajaale Oo Uu Ka Dilqacay Xanuunka Shuban Biyoodku

Abdiaziz Bnnstaff