boramanews.com

Dadkii iibsaday iPhone 15 iyo 16 oo la siinayo $250 milyan oo doolar kadib qalad la ogaaday

Qaar ka mid ah dadka iibsaday moobaylka iPhone ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadda tignoolajiyada ee Apple, iyagoo ku eedeeyay inay xayaysiisay waxyaabo cusub oo la xiriira garaadka macmalka ah ee taleefanadeeda, laakiin dhab ahaantii ay ahayd marin habaabin.

Si kastaba ha ahaatee, Apple ayaa hadda la heshiiyey dadkii gudbiyay dacwadda waxayna go’aansadeen inay bixiyaan lacag dhan 250 milyan oo doolar.

Sida laga soo xigtay dukumeenti laga gudbiyay maxkamada federaalka ee California Talaadadii, Apple ma aysan qiran wax khalad ah laakiin waxay ogolaatay heshiis xallin doona dacwad la gudbiyay sannadkii hore.

Xaaladdan oo kale, Apple ayaa lagu eedeeyay inay si been abuur ah u xayeysiisay waxyaabo ay soo kordhisay oo ku saabsan AI taa oo uu leeyahay iPhone ku, oo shirkadu ay ugu yeertay ‘Apple Intelligence’. Apple waxa ay sheegtay in sifooyinkani ay hagaajin doonaan sida codka ‘Siri’ oo ay u rogi doonaan ‘kaaliyaha gaarka ah ee AI’, taas oo aan wali la samayn.

Sida ku cad heshiiska u dhexeeya iibsadayaasha iyo Apple, macaamiisha Maraykanka ee iibsaday iPhone 15 iyo iPhone 16 intii u dhaxaysay Juun 2024 iyo March 2025 waxa la siin doonaa lacag u dhaxaysa $25 ilaa $95.

Related posts

Ciidamada ICE ee Minnesota oo barafka ku jiiday nin ay u dhaceen gurigiisa

Cabdi Casiis

Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Warmurtiyeed Xasaasi Ah Soo Saaray

Cabdi Casiis

Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla Pakistan

Cabdi Casiis