Borama News Network

Dalal ka tirsan Midowga Yurub oo si gooni gooni ah uga hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Midowga Yurub ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu ixtiraamayo “midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya”, hase yeeshee waxaa jira dalal xubno ka ah ururkan oo si gooni ah uga hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku salaysan heshiiska is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abey Axmed 1-dii Janaayo ku dhex maray Addis Ababa.

Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya oo barteed X (Twitter-kii hore) ku tixraacday baaqii Midowga Yurub ee ku aadanaa khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa tiri: “Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho waxay la wadaagtaa baaqa Midowga Yurub ee taageerada buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Boqortooyada Denmark ee woqooyiga Yurub ayaa iyaduna si gaar ah uga hadashay arrinkan iyada oo ku biirtay waxa ay ku tilmaantay “xulafada caalamiga ah ee sida qotoda dheer uga walaacsan xiisadda Geeska Afrika ee sii xumaanaysa”.

Safaaradda Dalkan ee Soomaaliya oo sidoo kale barteeda X ku daabacday qoraal ayaa tiri: “Waxaan carrabka ku adkeyneynaa ixtiraamka buuxa ee aan u hayno midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay ilaaliyaan nabadda, raadiyaanna wadahadal xal nabadeed oo waara looga gaaro khilaafka”.

Dalka Holand/Netherland ayaa sidaas si la mid ah bartiisa X ku muujiyey mowqifkiisa dal ahaaneed ee ku aaddan arrinkan.

“Netherland waxay ku biiraysaa Saaxiibada caalamiga ah si aan u xaqiijino in aan si buuxda u taageersannahay midnimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Dhammaan dalalkan ayaa ku baaqay in la ilaaliyo nabadda Geeska Afrika, wadahadalna lagu dhameeyo arrimaha jira.

Related posts

Loolanka ay wadamadu ugu jiraan Soomaaliya xilli la shaaciyay waqtiga shidaalka la qodi doono

Abdiaziz Bnnstaff

Hawadii Somaliland Waxaa Wajeejiyay Wasiir Somaliyana.. Siyaasi Cabdilaahi Dahab

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Keenay Dawladda Soomaaliya Ka Shakido Maanta In Abiy Axmed Uu Booqdo Somaliland ?

Abdiaziz Bnnstaff