boramanews.com

Dalalka midowga Yurub oo sheegay in diyaarinayaan qorsho lagu sugayo amniga maraakiibta

Midowga Yurub ayaa Isheegay inay diyaar u yihiin inay xoojiso hawlgalladeeda ciidamada badda ee Bariga Dhexe si loo ilaaliyo marinnada maraakiibta, kadib wada-hadallo ay yeesheen hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub.

Midowga Yurub wuxuu ka fiirsanayaa in la xoojiyo hawlgalka badda ee Badda Cas, ka dib markii weerarro ay qaadeen Maraykanka iyo Israel oo ka dhan ah Iran ay sababeen dagaal ballaaran oo gobolka ah, taasoo carqaladeysay maraakiibta maraya Strait of Hormuz.

Madaxweynaha Golaha Yurub Antonio Costa iyo Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa muujiyay “diyaargarow” ay u qabaan in la xoojiyo hawlgalladan si si wanaagsan loogu wajaho xaaladda hadda jirta.

Costa iyo von der Leyen waxay kulan fogaan arag ah la yeesheen hoggaamiyeyaasha dalal badan oo Bariga Dhexe ah, oo ay ka mid yihiin Bahrain, Ciraaq, Urdun, Lebanon, Qatar, Sacuudiga, Suuriya, Turkiga iyo Imaaraadka.

Qiyaastii 20% shidaalka adduunka ee lagu qaado maraakiibta ayaa mara Strait of Hormuz, taasoo ka dhigaysa meel aad muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

Related posts

Mareykanka iyo Iiraan oo bixiyey sababta ay u fashilmeen wada-hadalladii nabadda

Cabdi Casiis

“Loo dulqaadan maayo cid kasta oo isku dayda in ay tafsiir qaladan…” Wasiirka arimaha Gudaha Somaliland

Cabdi Casiis

Trump oo hadlay kadib diyaaraddii Iiraan ee ciidamadiisu soo rideen shalay

Cabdi Casiis