Borama News Network

Dalkii Sucuudiga Oo Lagu Dhex Iibinayo Khamriga Xili Dawladii Sucuudiga Ay Ogolaasho Ka Bixisay Arinkaasi

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay magaalada Riyaad laga furi doono dukaan lagu iibiyo khamriga oo ay ka iibinayaan koox la soo xulay oo aan Muslimiin ahayn, waana markii ugu horreysay oo la furo dukaan noocaas ah in ka badan 70 sano.

Macmiilka ama qofka iibsanaya waxa ay ku koobnaan doonaan oo keliya shaqaalaha dublamaasiyadda, kuwaas oo sannado badan isticmaalayay xidhmooyin khamri ah oo tiimbareysan oo loo yaqaanno boorsooyinka diblomaasiyiinta.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in dukaankan khamriga uu ka hortagi doono “ka ganacsiga sharci darrada ah ee khamriga”.

Khamriga ayaa waxaa la mamnuucay 1952, ka dib markii mid ka mid ah wiilasha Boqor Cabdulcasiis, Mishari bin Abdulaziz Al-Sucuud oo sakhraan uu toogtay diblumaasi British ah oo la oran jiray Cyril Ousman, oo ahaa qunsul ku xigeenkii Ingiriiska ee Jeddah.
Sanad ka dib, Boqor Cabdulcasiis wuxuu soo rogay in gabi ahaanba la mamnuuco khamriga. Mishari ayaa lagu xukumay dil.

Dukaankan cusub ayaa ku yaala magaalada Riyaad gaar ahaan dhanka galbeed ee bartamaha magaalada, sida lagu sheegay dukumeenti ay arkeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters.
Ilo xog ogaal u ah qorshayaasha ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in la filayo in dukaanka la furo toddobaadyo gudahood hase ay jiri doona xaddidaadyo.

Dadka isticmaalaya ayaa waxay u baahan doonaan inay is-diiwaangeliyaan oo ay fasax ka helaan dawladda ka hor inta aysan iibsan.

Qof da’diisu ka yar tahay 21 jir looma oggolaan doono dukaanka “Waana looga baahan yahay inuu xirto labbis wanaagsan mar-walba”

Looma oggolaan doono inay qof u soo dirsadaan Khamrigu, sida darawalkooda. Xaddidaadahan waa la dhaqan gelin doonaa, ayaa lagu yiri bayaanka.

Hase yeeshee – sida ku cad dukumentiga ay aragtay AFP – kuwani ma noqon doonaan kuwo aad u adag.

Waxaa la soo saari doonaa dhibco lagu xaddidayo inta litar ee u qofka isticmaalayo. 240 dhibcood ayaa bishii loo oggolaanayaa qofka taas oo micneheheedu yahay qofkii isticmaala hal litar oo khamri ah waxay u dhigantaa 3 dhibcood.

Sidoo kale ma jiraan wax soo jeedin ah oo sheegaya in dadka isticmaalaya lagu xaddidi doono diblomaasiyiinta keliya ama loo oggolaan doono “ajnebiga caadiga ee ku sugan.

Wararka xanta ah ayaa sanado badan isa soo tarayay in khamriga laga heli karo boqortooyada Sacuudiga iyadoo ay jirto mowjado isbedel bulsheed oo lagu soo bandhigay qayb ka mid ah ajandaha waxka bedelka ee dhaxal sugaha Mohammed bin Salman ee Vision 2030, oo ay ka mid yihiin hordhaca shineemooyin iyo xaflado muusig oo isku dhaf ah.
Sida uu dhigayo sharciga Sucuudiga ee hadda jira, ciqaabta isticmaalka ama haysashada khamriga waxa ka mid horseedi kara ganaax, xabsi, karbaash iyo masaafurinta ajaaniibta.

Dukumeentigu wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyiintu ay qorsheynayaan “qaab cusub oo sharci ah” kaas oo sidoo kale u oggolaanaya in “nooc gaar ah” oo khamri ah la keeno.

Muddo sanado ah shaqaalaha dublamaasiyadu waxay ku qasbanaadeen inay adeegsadaan “boorsooyinkooda”, oo aysan faragelin karin mas’uuliyiinta waddanka ay martida u yihiin, si ay u keensdaaan xaddi xaddidan oo khamri ah.

Hase yeeshee, Imaaraadka iyo Qadar ayaa sidoo kale ogol in khamriga laga iibiyo dadka aan Muslimka ahayn ee ka weyn 21 jir.

Ma jiro wax talo ah oo ka soo baxay dukumeentiga Sacuudiga oo ah in dowladda halkaas ka jirta ay ka fekereyso inay sidaas oo kale sameyso.

Related posts

“Sirdoonka Somalilalad xaq u ma leh inay cid soo xidhxidhaan,” Garyaqaan Mubaarig Cabdi

Abdiaziz Bnnstaff

Xaalada Sixir Bararka Ee Ka Taagan Dalka Nigeria Oo Halkii Ugu Saraysay Gaadhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Hay’adda WFP oo 6-bil kaddib Gargaarkii ugu horreeyay oo cunno ah gaarsiisay Daarfuur

Abdiaziz Bnnstaff