Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo Soomaaliya iyo Itoobiya inay qaboojiyaan xiisadda diblomaaisyadeed ee u dhaxaysa, kadib markii murankii ka dhashay is-afgaradkii 1-dii bishan ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.
Baaqii ugu dambeeyey waxa uu ka yimid urur goboleedka IGAD oo ka kooban 8 waddan, labada waddanna ay ka mid ahaayeen kuwii aasaasay.