Borama News Network

Dowlada Turkiga Oo War Cusub Ka Soo Saartay Heshiiska Difaaca Bada Ee Ay Somaliya La Gashay

Mas’uul ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga oo sharraxada ka bixinayay heshiiska ay la galeen Soomaaliya ee dhanka iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Ankara ay tababar siinaysay ciidamada Soomaaliya in ka badan toban sano.

Mas’uulkan ayaa sheegay in heshiiskan hadda looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Haddii ay naga codsato Soomaaliya, waxaan gacan ka geysan doonnaa dhanka amniga badda, sidii aan u sameynay dhinaca la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin doonnaa sidii ay u horumarin lahayd awooddeeda si ay ula dagaallanto falalka sharci-darrada ah iyo kuwa aan caadiga ahayn ee ka socda baddeeda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay noqday saaxiibka dhow ee dowladda Soomaaliya. Ankara waxay ka dhistay qaybo ka mid ah dalka iskuulo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxayna Soomaaliya ay ka heshay Turkiga deeqo waxbarasho oo keenya in Soomaali badan ay dalkaas wax ku bartaan.

Related posts

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Maanta Ka Shiraya Xaalada Somaliya Iyo Waxyaabaha Diirada Lagu Saarayo Shirkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Dalka Jaban Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Oo La Shaaciyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Qoysas laga dumiyay Guryihii ay degenaayeen oo maanta Dibadbax ka dhigay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Abdiaziz Bnnstaff