Borama News Network

Xuutiyiinta oo gantaallo culus ku garaacay Dekedda Eilat ee Israaiil ka dhisatay Dhulka Falastiin.

uutiyiinta Yemen ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in duqayn culus oo ay u adeegsadeen Gantaallo xooggan ay ku beegsadeen Dekedda Eilat ee Israaiil ay ka dhisatay Dhulka Falastiin ay xoogga uga qabsatay.

Kooxdaan ayaa go’doon culus gelisay Dekeddaan oo ah marinka badda ee Yuhuudda wax looga gudbiyo balse waxaa caqabad iyo culays xooggan ku noqday Weerarrada Xuutiyiinta ay billaabeen bishii Nofeembar 2023.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in weerarrada Xuutiyiinta ay halis badan geliyeen dhaqdhaqaaqa Dekeddaas maadaama dhowr jeer ay weerareen Maraakiib u socotay dhinaca Dekedda Eilat halka Maraakiibta qaar dhabba socodku ku dheer yahay ay u weecdeen.

Maraykanka, Ingiriiska & Dalal kale oo ay is xulufaysanayaan si ay uga hortagaan weerarrada Xuutiyiinta ee cunaqabataynta adag ku noqonaya Israaiil ayaa dhowr jeer isku dayay in ay sameeyaan duullaan toos ah oo xitaa Yemen ay ka gaysteen balse ma joojin cabsida taagan.

Xuutiyiinta ayaa joojinta weerarradooda & go’doonka dhinaca Badda ah ay gelinayaan Israaiil waxa ay shuruud uga dhigeen in ciidamada Yuhuudda ay joojiyaan duullaanka qaawan ee Dhulka Falastiin ee Dadka badan ay ku xasuuqeen.

Related posts

Aabaha Dhalay Abwaab Abdiraxman Abees Oo Sheegay In Uu Isagu Xidhay Wiilkiisa Ee Ayna Xidhin Dowladu Iyo Booliska Oo Ka Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

“Meeshani Maaha Kiro Ee Waa Iib” Garyaqaan Mubaarig Aar Oo Si Adag Uga Hadlay Heshiiskii Itoobiya Iyo Somaliland Fariin Culusna U Diray Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Warbixin:- Dhacdooyinka Ku Xeeraan Xukunkii Dilka Ahaa Ee Lagu Riday Sayid Cali

Abdiaziz Bnnstaff