Borama News Network

Duulimaadyada Gudaha Ee Garoonka Aadan Cadde Oo Maalintii Labaad Hakad Ku Yimid

Waxaa maalintii labaad hakad ku jira duulimaadyada gudaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo shacab fara badan ku sugan yihiin garoonka, kaddib markii Shirkadaha Diyaaradaha lagu soo rogay in rakaabkiiba laga qaado lacag dhan $9 dollar oo dheeri ah.

Warar soo baxay ayaa sheegay in muranka uu ka dhexjira Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkaddaha Diyaaradaha, kaas oo ku saabsan in lacagaha xogta Rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticketka iyo in aan lagu kordhin oo shirkadaha duulimaadka doonayaan in ay lacagta $9 dollar ku kordhiyaan qiimihii hore ee Ticketka, halka Wasaaradda Gaadiidka ay dooneyso in aan waxba laga bedelin qiimaha Ticket-kii hore la qaadayay.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Shirkad lagu magacaabo Hornlink ay la soo kordhiyay nidaam cusub oo amniga xogta rakaabka diyaaradda raacaya oo ay ka wada shaqeyanayaan Laamaha Amniga iyo Wasaaradda Gaadiidka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay dhacdadaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Madaxda qaranka miyeysan damqasho lahayn oo aysan la dareen ahayn shacabka sidan u silicsan? Magacooda ayaa dawlad lagu yahay, halkii loogu adeegi lahaa ayaa loogu awood sheeganayaa.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkiisa ku sii yiri, “Haddii laantii fulinta xilkeedii gabtay, waxaan u soo jeedinayaa guddiga gaadiidka ee labada aqal ee baarlamaanka in ay arrinkan dedeg u soo farageliyaan.”

Dhacdadaan ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, wallow weli Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya aysan ka hadlin, haddane waxaa isasoo taraya baaqyda kale ee loo jeedinaya dowladda ee ku aadan wax ka qabashada arrintaan.

Related posts

“Soomaaliyii Wali Kamay Jawaabin Su’aashii Abwaan Xasan Sheekh Muumin”Xildhibaan Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Xamar Iyo Turki Midna Ma Iman Karo Badeena” Xildhibaan Guruuje

Abdiaziz Bnnstaff

“Dhulbahante Iyo Somaliland Oo Geed Wada Fadhiya Ayaa La Arki Doonaa ” Afhayeenka Waaberi

Abdiaziz Bnnstaff