Borama News Network

Farmaajo, Shariif, Deni iyo Madax taabacsan oo maanta shir uga furmay magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland waxaa maanta shir uga furmay qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul Gobaleedka Puntland.

Shirka oo uu ka socda madaxtooyada Puntland waxaa qeyb ka ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.
Qaban qaabada shirka oo muddooyinkii dambe ay socotay waxaa looga hadlayaa marxaladda guud ee dalka uu marayo, xoojinta dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliyeed, adkaynta wadajirka iyo midnimada dadkeenna iyo arrimaha ku aaddan hannaanka beddelayo dastuurka dalka.

Madaxdaan ayaa diidan habka ay dowladda dhexe u wado dhameystirka Dastuurka, kaas oo dooddiisa ay ka socoto xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay aragtidooda ay ku soo bandhigayaan badi Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare.

Villa Somalia iyo Xukuumadda ayaa dadaal ugu jirta sidii loo dhameystirilahaa dastuurka qabyada ah 12 sano, wallow damacaas ay diidmo ka keeneyn jilba culusta mucaaradka dalka oo ay hoggaaminayaan Farmaajo iyo Shariif, kuwaas oo dooda ku aaddan dhameystir dastuurka aan la imaan fagaaraha Siyaasadda iyo Miisaska lagu gorfeenaya arrimaha dastuurka.

Maanta oo sabti ah la faliyaa in la soo idleeyo dooda dhameystirka Dastuurka, waxaana uu qorshuhu uu yahay maalinta Isniinta ee todobaadkaan in loo qaado codka, balse lama oga go’aanka iyo falceinta ay dhiiban doonaan Mucaaradka dowladda.

Related posts

Maxamuud Xaashi Waxa Saxada Ugu Dambaysay Markii Uu Sheegay Inuu Hawada Wareejiyey..Siyaasi Jiir

Abdiaziz Bnnstaff

LAASCAANOOD : Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Oo Dhisaya Dekeda Magaalada Lughaya Kana Hadlay Qodobo Xasaasiya

Abdiaziz Bnnstaff