Borama News Network

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Damaca Itoobiya Ee Bada Somaliya Uu Fursad u Noqon Karo ‘AS’.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Haweenayda lagu magacaabo Catriona Laing ayaa codkeeda ku biirisay diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya ay shaacisay in ay la gashay Somaliland 1dii Janaayo 2024.

Catriona ayaa tilmaamtay in go’aankaas heshiiska lagu shaaciyay uu dhalisay dareen si gaar ah u taabtay xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana ay ku baaqday in lasoo farageliyo si looga hortago khatarta muuqata ee dhalan karta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay ku amaantay jawaabaha & falcelinta uu ka sameeyay damaca gurracan ee Itoobiya iyada oo Catriona Laing ku sheegtay mid qiyaasan.

Xaaladda ayay dhankale u rogtay iyada oo durba ka eegtay fursadda ‘AS’ ay ka heli karto damaca gurracan ee Itoobiya, Ergayga Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa sheegtay in suuragal ay tahay in qortaan Dad u dagaalama.

Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyin aanay wanaagsaneen marka laga eego dhinaca diblumaasiyadda, wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu carqaladeeyay Magaalada Addis Ababa.

Related posts

Tirada dhimashada ka dhalatay dabka Jile oo korortay

Abdiaziz Bnnstaff

Safiirrada Beesha Caalamka oo Tartameyaasha ugu baaqay in ay Natiijada Aqbalaan

Abdiaziz Bnnstaff

Wasaarada Horuminta Khayraadka Biyaha Somaliland Ayaa Bilawday Hubinta Booyadaha Biyaha Keena

Abdiaziz Bnnstaff