Borama News Network

Madaxweye Farmajo oo ka falceliyay khudbadda Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee uu maanta kajeediyay baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo kamid ah xubnaha sida wayn uga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka ayaa ku dhaliilay dowladda hadda jirta arrimaha ammaanka iyo guud ahaan difaaca dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ayadoo taasi ay jirto in aan lagu deg degin karin ansixinta dastuurka dalka Soomaaliya , sida uu ku dooday Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka.

Madaxweyne hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartisa Faceboogga ayuu uga falceliyay ishortaag uu sheegay in madaxweyne Sharif lagu sameeyay gudaha baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa waxaa uu u qornaa sida tan:

“Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka dib u eegista Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood bandanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale yiri”Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu ka soo noqda wadiiqadan khaldan, ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.”

Hadal jeedintaydii maanta Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ugu hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo Xaaladda guud ee Amniga Soomaaliya.

Related posts

Waa kuwee dalalka Islaamka ee walaaca ka muujiyey weerarkii Iiraan ay ku qaadday Israa’iil?

Abdiaziz Bnnstaff

Gollaha Wasiirada Soomaliya Oo Ansixiyay masuuliyiin cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Howgalka Midowga Afrika Shaaciyay Qaabka Ciidamada Looga Saarayo Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff