Borama News Network

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka oo sheegay in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Hotel SYL

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo afjaray howlgallo saacado badan qaatay oo ka socday Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho kaas oo dagaal toos ah iyo qaraxyo ay ku galeen rag katirsan ‘AS’.

Weerarkaan ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo aan ilaa hadda Dowladdu kasoo gudbin inta uu gaarsiisan yahay balse ay sheegtay in ay Hay’adaha ammaanka goordhow faah-faahin ay ka bixin doonnaan xogta khasaaraha ka dhashay howlgalkaas.

Hotel SYL oo kasoo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya waxaa tan iyo xalay fiidkii ka socday dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka & Rag hubaysan oo katirsan ‘AS’ oo tiradoodu gaaraysay 4 ruux sida ka muuqata sawirka lasoo bandhigay.

La soco faah-faahinta kasoo kororta

Related posts

“150 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ka tirsan anaa ka cod badnaanaya marka la aado Qof iyo Cod.

Abdiaziz Bnnstaff

Dadka Ku Dhintay Duqayn Ciidanka Israaiil Ay Ka Gaysatay Gaza Oo Sii Kordhay

Abdiaziz Bnnstaff

Raysla Wasaare Xamse Oo War Ka Soo Saaray Heshiiska Difaaca Badda Ee Turkiga Lagu Wareejiyay

Abdiaziz Bnnstaff