Borama News Network

Hoobiye Ku Dhacay Degmada Boondheere Oo Sababay Dhimashada Haweenay.

Hoobiye ku dhacay Degmada Boordheere ee Gobolka Banadir gaar ahaan waaxda Sheekh Yuusuf Al-Kownayn ayaa sababay dhimashada Haweenay ku sugnayd Gurigeeda sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan ehelka Marxuumadda.

Aroornimadii hore ee Saakay ayaa la maqlay jugta qaraxaan Hoobiyaha ah ee kusoo dhacay Guriga ay ku geeriyootay Marxuumadda gaar ahaan qolkeeda oo xiligaas ay keligeed ku sugnayd sida ay sheegeen ehelkeeda.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray qofka ay joogtay Marxuumadda, qaar kamid ah Dadka deegaanka ayaa dalbaday in baaris lagu sameeyo si uu uga yaraado welwelka ay ka muujinayaan suuragalnimada Hoobiye kale oo halkaas ku dhici kara.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka oo qaarkood goobta gaaray isla markaana sameeyay baaris hordhac ah weli faah-faahin kama bixin, waxaana lagu wadaa in ay warbixin kasoo saaraan arrintaan.

Magaalada Muqdisho ugub kuma ahan Hoobiye ku dhacay Guryo ay degen yihiin Dad rayid ah oo sababay dhimasho & dhaawac balse muddooyinkii dambe kiisaskaas ma dhicin waxaana loo sababeeyay isbaddelka Amniga Caasimadda.

 

Related posts

Duufaan Xoogan Oo Gabi Ahaanba Baabi’isay Gobol Ka Tirsan Dalka Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay misaajida ku yaala dalka Cumaan

Abdiaziz Bnnstaff

Guterres: “Dhinacyada Suudaan ku dagaalamayaa waa in ay dagaalka joojiyaan Bisha Ramadaan Darteed”.

Abdiaziz Bnnstaff