boramanews.com

Iiraan oo war ka soo saartay siduu ahaa jawiga wadahallada

Waxaan maqlaynaa faallooyin dheeraad ah oo ka soo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ka dib fashilkii ku yimid wada-hadalladii nabadda ee Islamabad.

Afhayeenka wasaaradda, Esmail Baghaei, ayaa horay u sheegay in Maraykanku uu ka fogaado samaynta “dalabyo xad-dhaaf ah.” Wuxuu intaas ku daray in marnaba aan laga filayn in Maraykanka iyo Iran ay heshiis gaaraan isla markiiba.

Wuxuu intaas raaciyay in wada-hadalladu ay ku dhaceen “jawi ay ka buuxdo kalsooni darro, shaki iyo hubanti la’aan,” ka dib in ka badan 40 maalmood oo “dagaal lagu khasbay” ah, iyo iyadoo aanay xilli fog ahayn markii xabbad-joojintu dhaqan gashay.

Baghaei, ayaa u sheegay Iranian state’s Student News Network: “Ma ahayn inaynu filano bilowgiiba inaynu heshiis ku gaari karno hal fadhi oo qura. Uma malaynayo in qofna uu filashadaas qabay.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in “diblomaasiyaddu aysan marnaba dhammaan

Related posts

In Ka Badan 100 Saraakiil Dowladeed Oo Lagu Dilay Dibedbaxyadii Iiraan

Cabdi Casiis

Dowladda Iiraan oo ka fiirsaneysa soo jeedinta Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka

Cabdi Casiis

Todobo Xaaladood Oo Dhici Kara Haddii Maraykanku Weeraro Iiraan

Cabdi Casiis