boramanews.com

Intee ayay suuragal tahay in Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanku ka gaaraan heshiis ku saabsan hubka nukliyeerka?

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Trump uu doonayo inuu hoggaamiyeyaasha Shiinaha iyo Ruushka kala hadlo arrinta ku saabsan hubka nukliyeerka iyo dhimistiisa, taas oo ah arrin weyn oo u muuqata in hoggaamiyeyaasha kale ee kulanka ka qaybgalaya aysan xiiso badan u qabin inay ka hadlaan.

Shiinuhu ma haysto hub nukliyeer ah oo la eg kan Ruushka iyo Maraykanka, sidaas darteedna ma arko sabab uu awooddiisa nukliyeerka uga dhimo heer la mid ah labadaas dal. Xitaa uma muuqdo inuu doonayo in arrintaas laga wada hadlo.

Dagaalka Ukraine ayaa sidoo kale muujiyay in haddii Ruushku doonayo inuu ka hortago in beesha caalamku isku raacdo tallaabooyin ka dhan ah, ama heer ka sarreeya in tallaabo milatari laga qaado, hubkiisa nukliyeerku uu yahay awood ka hortag ah oo uu isku difaaci karo.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump oo aaminsan awoodda uu u leeyahay wada-xaajoodka, isla markaana muddo tobannaan sano ah ku doodayay in la dhimo kaydadka hubka nukliyeerka, ayaa doonaya inuu isku dayo inuu arrintan horumar ka sameeyo.

Waxaa laga yaabaa in taasi ay tahay sababta uu bilowgii kulankiisa laba geesoodka ah ee Madaxweynaha Ruushka u sheegay: “Waxaan aaminsanahay in kulankan ay ka dhalan karaan waxyaabo aan caadi ahayn, ama ugu yaraan uu noqon karo bilowgooda.”

Aqalka Cad ayaa horay u sheegay in aan kulanka lagu gaarayn wax heshiis ah, balse uu noqon karo bilowga wada-hadallo ku saabsan heshiis nukliyeer.

Horey, madaxweynayaashii Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti, markii dambena Ruushka, ayaa ku guuleystay inay heshiisyo ka gaaraan arrintan.

Hase yeeshee, xaqiiqda ah in tobannaan sano kaddib ay weli dhimista hubka nukliyeerku ku jirto ajandaha hoggaamiyeyaasha dalalkan, waxay muujinaysaa in wada-hadallada noocan ahi, ugu yaraan marka taariikh ahaan la eego, aysan inta badan horseedin heshiisyo waaweyn.

Related posts

Israa’iil oo ka soo jawaabtay danjiiraha ay Somaliland u magacaawday Israa’iil

Cabdi Casiis

“Maxamuud Xaashi Maaha Hoggaamiye Fiican”Afhayeenkii Hore Ee Xisbiga Kaah Oo Is Casilay

Cabdi Casiis

DEG DEG “Baadhis halagu sameeyo Wakaallada Biyaha ee Hargeysa, cid gaara ayaa ku shaqeysate”

Cabdi Casiis