Borama News Network

Israaiil Oo Aad u Dhibsatay Go’aanka Antonio Guterres Uu Ku Garab Istaagayo Shacabka Falastiin

Israaiil ayaa qarsan waysay xanaaqa ay ka qaadday go’aanka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ku sheegay in Yuhuuddu si arxan-darro ah ay ula dhaqantay Falastiin kaddib markii dagaal toos ah iyo go’doomin ay isugu dareen Shacabkaas.

Ergayga Israaiil u fadhiga Qaramada Midoobay Ninka lagu magacaabo Gilad Erdan oo la hadlay Idaacadda Militariga Yuhuudda ayaa sheegay in Xoghaye Antonio Guterres uu had iyo jeer diiradda saarayo arrinta Falastiin.

Gilad ayaa ku calaacalay in uusan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay marnaba la kulmin ama la xiriirin qoysaska Israaiiliyiinta ah ee Xubnaha ehelkooda ah Xamaas kusoo qafaalatay weerarkii 7dii Oktoobar 2023kii dhacay.

Waxa uu ugu baaqay in uu iscasilo maadaama uu ku andacooday Ergayga Israaiil ee Qaramada Midoobay in Xoghaye Guterres uu indhaha ka laabtay la kulanka ehelka Yuhuudda ah ee Dadkooda gacanta ugu jira dhaqdhaqaaqa iska caabbinta Falastiin.

“90% waxa uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres diiradda saaray arrinta Falastiin isaga oo meel iska dhigay la kulanka ama in uu ugu yaraan dareenkooda la qaybsado ehelka Israaiiliyiinta ee gacanta Xamaas ku jira” Gilad Erdan.

Ergayga Israaiil u fadhiya Qaramada Midoobay oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxa aan ugu baaqayaa in uu iscasilo”. Israaiil ayaa dhowr jeer culays xooggan saartay xoghaye Antonio Guterres oo afka ka qabsan waayay tacadiga ay ka gaysanayaan Dhulka Falastiin.

Related posts

Somaliland Oo u Jawaabtay Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Heshiiskii is-Afgarad Ee Badda

Abdiaziz Bnnstaff

“Xukumaddani gaadhimayso muddada ay ku xukuntay Abwaan Cabdiraxmaan Abees” Masuul Waddani ka tirsan.

Abdiaziz Bnnstaff

DF oo daahfurtay hanaan casri ah oo lagu bixinayo Baasaboorka Soomaaliga

Abdiaziz Bnnstaff