boramanews.com

Kadib duqeymo ba’an oo maalmo ku socday dalkiisa hadda ayuu ku baaqay xabad-joojin

Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ayaa ku baaqay “xabbad-joojin buuxda iyo in si buuxda loo joojiyo weerarrada dhulka, cirka iyo badda ee Israa’iil ku hayso Lubnaan.”

Israa’iil ayaa weerarro ballaaran oo dhanka cirka iyo dhulka ah ku qaaday ururka Xisbullaah.

Xisbullaah waxay saldhig ku leedahay Lubnaan, waxayna saameyn ku leedahay meelo ka mid ah dalka, balse waxay ka soo horjeeddaa dowladda Lubnaan.

Xiisaddu waxay sii korortay 2-dii Maarso, markii kooxda hubeysan ee ay taageerto Iiraan ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa’iil, taas oo ay ku sheegeen aargudasho ka dib dilkii hoggaamiyihii Iiraan, Cali Khamenei.

Madaxweyne Joseph Aoun ayaa codsaday gargaar caalami ah si ciidanka dalkiisu ula wareegaan goobaha ay gacanta ku hayso Xisbullaah loogan dhigo hubka kooxda.

Wuxuu sidoo kale sheegay: “Israa’iil iyo Lubnaan waa inay bilaabaan wada-xaajood ay kormeerayaan hay’adaha caalamiga ah.”

Related posts

“Wada shaqayntii Komishanka Doorashooyinka Waanu hakinay..”Xisbiga KAAH

mustafeamiin@gmail.com

Trump Oo Ciidamo Dheeraad Ah u Dirayo Minneapolis Si Looga Saaro Soomalida Sharci La’aanta Ah.

Cabdi Casiis

Cajiib! Madaxwayne African Ah Oo Nin Dhintay Xil U Magcaabay Iyo Saamayn Xoogan Oo Ka Dhalatay Arinkaasi

Cabdi Casiis