Borama News Network

Madaxwayne Deni Oo Madaxtooyada Puntland Ku Qaabilay Murashaxiintii Uu Kaga Guulaystay Doorashada

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland.”

Kulankaan oo ahaa khado sharaf ayaa badi waxaa ka soo qeyb galeen musharaxiinta la tartantay Saciid Deni, kuwaas oo ay ku jiraan Wasiirradii hore ee arrimaha dibadda ee Huruuse iyo Cawad, sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ka ahaa musharaxii uu ka guuleystay doorashadii 2019 Asad Diyaano.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ay ka dhacdo xaflad lagu caleemo saaraya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha kaliya ee laba jeer isxigta ku soo baxay doorashada maamulkaas.

Related posts

Dhalinyarada Burco Oo Bacadka Wax Ku Akhrisanaysa Baafinayana Dhaqaalihii Lagu Dhisayay Maktadaba Akhriska See Magaalada Burco

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxaynu ku guulaysanayna isbedel midnimo iyo horumar dalka u horseeda..”Musharrax Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Warbixin:- Nin Magaalada Muqdisho Maalin Kasta Ku Afuriya Dad Gaadhaya 200 Oo Qof

Abdiaziz Bnnstaff