Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Gaadhay Dalka Tanzaniya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu halkaas uga qeybgali doono shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka villa Somalia.

Shirkan ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in madaxweynaha inta uu ku sugan yahay magaalada Arusha uu kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhiggiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC).

Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay ururka EAC bishii March 2024, ayada oo noqotay dalkii 8-aad ee ururka xubin ka noqda.

Dalalka kale ee xubnaha kale ah ururka ayaa ah; Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, iyo Tanzania.

Related posts

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ee Xisbiga Wadani Amb Maxamed Cali Hambalyo U Diray Shacabka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Maraykanka Oo Fashiliyay Sir Wayn Intii Uu Ku Guda Jiray Ololaha Doorashada

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbullah Oo Weerar Aargoosi Ah Ku Qaadday Israa’iil Ka Dib Dilkii Taliyaheeda Sare

Abdiaziz Bnnstaff