Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Tanzania uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujisay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda iyo shacabka Tanzania uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen in aanay lagu xadgudbin madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska baalmarsan madaxbannaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya shaacisay 1dii Janaayo 2024 uu noqday mid dhaliyay falcelin dhinacyo badan.

Waxa uu sheegay in aanay dunida aqbalayn tallaabooyin kahor imaanaya shuruucda caalamiga ah ee kala xadaynaya Dalalka isla markaana ku xusan axdiyada ay ku dhisan yihiin ururrada iyo Hay’adaha caalanka ah ee xubnaha laga wada yahay.

“Waxaan uga mahadcelinayaa dowladda iyo shacabka Tanzania taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib xad-gudubkii dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax-bannaanida dalkeenna iyaga oo heshiis baal marsan shuruucda caalamiga ah la galay gobol ka mid ah Soomaaliya” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Itoobiya ayaa waji-gabax kala kulantay heshiis-beenaadkii ay galay Gobollada Waqooyi (Somaliland) waxaana si cad uga hor yimid Dowlado, Ururro caalami ah & Hay’ado kala duwan oo dhammaantood ka digay xiisadda ka dhalan karta tallaabooyinka sharci darrada ah ee Xukuumadda Addis Ababa ay qaadayso.

Related posts

Dowladaha Itoobiya Iyo Jabuuti Oo Dib U Eegis Ku Samaynaya Heshiiska Isticmaalka Dekedaha

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ew Xisbiga Wadani Oo War Ka Soo Saaray Cayimaadii Wakhtiga Doorashada Ay Dhacayso

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Oo Shaaciyay Ujeedada Dhabta Ah Ee Wadahadala Somaliya Iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff