boramanews.com

Maryan Qaasin oo ku guuleysatay guddoonka Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Dr. Maryan Qaasin Axmed loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Tirada codadka guud ee la dhiibtay ayaa ahaa 9 xubnood oo codeeyay. Waxaa ay Maryam heshay codad dhan shan cod.

Cumar Cabdalle Calasoow oo isna la tartamayay ayaa waxaa uu helay afar cod.

Sidaas awgeed ayay Maryan ugu guuleystay guddoonka guddoonka Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

“Waa howl culus oo la ii saarayaxaan, waxaan Ilaahay ka codsanayaa inuu ii fududeeyo xilkan culus”, ayay tiri Maryan

“Xataa ma garanayo dadka ii codeeyay oo wax olole ah ma seyn”, ayay intaas raacisay.

Related posts

Dalka Canada Oo Ajnebiga Siisay Fursad Ugu Biiri Karaan Milatariga Dalkaasi

Cabdi Casiis

Hargeysa:- Guri Dab Qabsaday Oo Ay Ku Dhinteen Shan Qof Oo Isku Qoys Ahi

Cabdi Casiis

Halka uu hubka nukliyeerku ugu qarsan yahay dalka kaliya ee islaam ah ee haysta hubkan -warbixin hore

Cabdi Casiis