boramanews.com

Maxaa ka jira in la weeraray warshaddii ugu weynayd ee shidaalka Sucuudiga?

Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in la isku dayay in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn lagu beegsado warshad weyn oo sifeysa shidaalka dalkaasi.

Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday warshad sifaysa shidaal oo ku taalla Ras Tanura, taas oo la rumeysan yahay inay tahay xarunta ugu weyn ee sifeynta shidaalka ee dalka Sacuudi Carabiya.

Sida ay Wasaaradda Difaacu sheegtay, “Qiimaynta hordhaca ah waxay muujinaysaa in weerarkan loo adeegsaday diyaarad drone ah, balse wax khasaare ah ma uusan geysan.”

Related posts

Iiraan oo Trump ku qasabtay in uu aqbalo 8 shuruud oo ku adag

Cabdi Casiis

Netenyahu oo sheegay in ololaha Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan “wali uusan dhammaanin.”

Cabdi Casiis

Rasaas laga soo sheegayo meel u dhow madaxtooyada Venezuela

Cabdi Casiis