Borama News Network

Maxay Kawada hadleen Golaha Wasiirrada DG Hir-Shabeelle Iyo Guddoomiyaha Hay’adda SODMA?

Golaha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa fadhi gaar ah oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas isla markaana ay ka qaybgaleen ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SODMA ku yeeshay Jowhar.

Kulankaan waxaa ugu horrayn Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA laga dhagaystay waxgalka Hay’addaas ee Bulshada saamaynta taban ku reebtay Xaaladda El-nino gaar ahaan Daadadkii roobka iyo fatahaadda Webiga Shabeelle.

Intaas kaddib Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle waxa uu madasha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ka sheegay in loo baahan yahay ka feejignaanta xaaladaha ka dhalan kara Roobka Guga & fatahaadda Webiga.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in 65% cabsida laga qabo Roobka Guga ee dhowaan la filayo in uu curto loo baahan yahay in la sameeyo kahortagga halistaas oo si wadajir ah dedaal xooggan loo gelin karo.

Soomaaliya waxaa sanadihii u dambeeyay saamayn taban ku reebay Daadadka Roobka, Fatahaadaha Webiyada Dalka & Abaarta oo dhabar-jartay Dad iyo duunyo waxaana socda dedaallo kala duwan oo looga gaashaamanayo xaaladdaas si aanay markale saamayntooda usoo noqon.

Related posts

“Waxaan la yaabay maalintu yidhi Ey baa soo basasay dad” Xildhibaan Maxamed Abiib.

Abdiaziz Bnnstaff

Prof: Jawaari” Xeer Ilaalintu Waa In Ay Waaran u Jarto Muuse Biixi Oo Khiyaano Qaran Ku Kacay Xataa Isaga Oo Maqan Waa In La Xukumaa.

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Toore Oo War Cusub Ka Soo Saaray Xaalada Dhaqaale Ee Somaliland