Borama News Network

Maxkamadda ICJ oo maanta billaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah Israa’iil

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ay billowdo, dhageysiga dacwad ka dhan ah Isra’il kaas oo ay maxkamadda geysay dowladda South Africa.

Koofur Africa ayaa ku eedeysay Isra’il, in ay Gaza ka geysatay danbiyo dagaal oo ka dhan ah Falastiiniyiinta ku nool Gaza isla markaana ay jebisay heshiiskii caalamiga ahaa ee xasuuqa ee sannadki 1948-dii.

South Africa ayaa sidoo kale ugu baaqday garsoorayaasha in ay Israa’iil ku amraan, in ay si deg deg ah u joojiso howlgallada millatari ee Gaza. Dhammaan eedaha ay South Africa soo jeedisay ayaa waxaa beenisay Isra’iil, iyada oo sheegtay in ay koox qareenno ah oo iyada matalaya ay u dirtay, xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland.

Afhayeenka Dowladda Israaiil Eylon Levy ayaa Arbacadi sheegay, in Israa’iil ay maanta kasoo hor muuqa doonto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, si ay isaga difaacdo buu yiri aflagaaddo dhiig leh oo uga timid South Africa.

Dacwaddaan oo la filayo in qaadato muddo sannado ah, ayaa qeybteeda hore socon doonta maanta iyo berri, waxaana lagu furi doonaa dhageysiga eedaha ay soo jeedisay South Africa.

Brazil iyo Colombiya ayaa goor danbe oo Arbacadi shalay ah taageeray kiiska dacwadda ka dhanka ah Israa’iil.

Related posts

Shacabka Ku Dhaqan Degmada Oog Oo Ka Hadlay Safarka Madaxwayne Biixi Uu Ku Tegayo Oog

Abdiaziz Bnnstaff

Dhaawacyo kale iyo dad xanuunsan oo maanta laga daad gureyn doono Marinka Qasa lana geyn doono dalka Masar

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Abiy Ahmed ” Ma Rabo In Aan La Dagaalamo Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff