Borama News Network

Nin Dhalinyaro Ah Oo Hal Mar Wada Dilay Hooyadii Iyo Ayaydii Oo 90Jir Ahayd Iyo Waxa Ku Kalifay Oo La Shaaciyay

Jamleck Muriithi waxa uu ka dhabeeyey hanjabaadiisii mudada dheer soo taagnayd isaga oo qaaday weerar, uu dilay hooyadii 50-jir ah,iyada oo lagu magacaabi jiray Zipporah Mutura, iyo haweenay ayeey 90 jir ah.

Aabihii, Reuben Kabujo, ayaa shaaca ka qaaday in ay isku dayeen in ay gargaar u raadiyaan wiilkiisa dhibaataysan, qoyskuna ay ku noolaayeen cabsi ay ka qabaan Muriithi.

Aabaha oo murugeysan ayaa intii uu weerarka socday waxa uu la dagaalamay Muriithi, balse saacad gudaheed ayuu wiilkan dhalinyarada ah ku fuliyay falkii dilka ahaa ee arxan darada ahaa, taasi oo qoyska ku reebtay argagax iyo murugo.

Muriithi walaashii, Juster Kathuraniri, ayaa daaha ka qaaday inuu caado u lahaa inuu u hanjabo qof walba, waxayna nafteeda u aragtay inay nasiib badan tahay in carruurteeda aysan ahayn dhibanayaal uu saameyay kiiskani.

Jamleck Muriithi oo ka yimid tuulada Ngeene ee dalka Kenya ayaa la sheegay inuu ku hanjabayay inuu qof dili doono, Axadii, Febraayo 18, balse waa uu ka dhabeeyay hanjabaadiisa.

Reuben Kabujo, oo ah Aabihii, ayaa sheegay in Wiilkiisa uu dhibsaday sida uu yahay kadibna ay u qaadeen Isbitaalka, halkaasi oo ay dhakhaatiirtu isku dayeen inay ku caawiyaan.

“Mar walba waxaan arkaynay isaga oo leh maalin ayaan qof dili doona ku dhawaad muddo shan sano, Waxaan weydiinay waxa qaldan, waxaana ogaanay inuu ka xanuunsaday madaxa, sidaas darteed waxaan u qaadnay isbitaalka,” ayuu yiri Kabuujo.

Aabaha oo murugeysan ayaa sheegay in uu la dagaalamay Muriithi, balse saacad gudaheed uu dilay Hooyadiis oo 50 jir ah, Zipporah Mutura iyo ayeeyadii Tiritha Karimi.

Isagoo xaqiijinaya musiibada, madaxa aagga Godfrey Bundi wuxuu sheegay in qoysku ay ku noolaayeen cabsida ay ka qabaan Muriithi.

“Waxaa la siiyay dawooyin ka dajiya gardarada uu soo bandhigayo, waxa uu dhib ku hayay guriga in muddo ah, in kasta oo uu xal u raadiyay, haddana wiilka dhalinyarada ah wuu ka bogsan waayay,” ayuu yiri.

Related posts

Ergadii Gobolka Awdal Ku Metelaysay Tartanka Hogaanka Solja Oo Gabi Ahaanba Qaadacay Tartankii Hagaanka Iyo Siday Wax U Dheceen

Abdiaziz Bnnstaff

Cajiib! 80 Jir Buuraha Hargeysa U Fuula Si Uu Dadka Ugu Toosiyo Salaada Subax Iyo Sheekada 80 Jirkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Mareykanka, UK Iyo Faransiiska Oo Burburiyay Diyaarado Weeraro Lagu Fulinayay

Abdiaziz Bnnstaff