Borama News Network

Nin Isaga Oo Hurdo Oo Riyoonaya Iska Jaray Xubintiisii Taranka

Nin beeraley ah oo ku sugan waddanka Ghana ayaa isbitaalka ku jira isagoo xaaladdiisu ay aad u liidato kaddib markii uu si shil ah xubinta taranka isaga gooyay isagoo hurdaya.

Kofi Atta, oo BBC-da u warramay isagoo sariirta isbitaalka jiifa, ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen. Waxa uu sugayaa in ay dhakhaatiirta ku sameeyaan qalliin.

Wariyaha BBC-da ee isbitaalka ku booqday ayuu u sheegay in hadda la siiyay biyo badan, cirbado xanuun baabi’iye ahna lagu duray.

Balse waxa uu sheegay in uusan haysan lacag uu ku bixiyo xitaa gaarigii isbitaalka lagu geeyay.

Anigoo riyoonaya ayaan xubinta taranka iska jaray’

Ninkan ayaa sheegay in uu seexday xilli duhurnimo ah, markaas oo uu ku fadhiyay kursi. Wax yar markii uu hurday ayuu ku riyooday isagoo jarjaraya hilib hortiisa yaalla, si uu u karsado.

Balse isagoo aan weli hurdada ka kicin, riyadiina ku dhex jira ayuu si run ah jeebka uga soo baxsaday mindi waxa uuna si kama’ ah isaga gooyay xubinta taranka.

Atta ayaa sheegay in markii uu shilkan dhacay uu ka kacay hurdada balse uu aad u jah wareeray, ilaa ay labo qof oo deriskiisa ah ka caawiyeen.

“Ma garanayn sida ay wax u dhaceen. Dhiig badan ayaa iga baxay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in uu arrinta rumaysan waayay, dhankiisana uu u haystay inuu wali riyo ku jiro.

“Xaaladda dhabta ah waxaan ku baraarugay markii ay dadki i caawinayay i tuseen caddaynta ku saabsan in aan si run ah isaga gooyay xubinteyda taranka.”

Atta waxa uu intaas ku daray inuusan ogayn sida ay ku dhacday inuu mindida lasoo baxo.

Related posts

Soomaaliya Iyo Turkiga oo ku ballamay xoojinta iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga Iyo Waxbarashada.

Daawo Dareenka XildhibaanadaEe Ansixinta Xeerka Doorashooyinka Iyo Filashada Ay Madaxweyne Biixi, Ka Qabaan.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele Oo Shaaciyay In Tirakoob Lagu Samaynayo Dadka Reer Jabuuti Iyo Faa’iidada Ku Jirta Tira Koobkaasi

Abdiaziz Bnnstaff