boramanews.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saakay gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saakay gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Abiy ku yiri “Saaka waxa aan imid dalka Jabuuti oo uu si diiran iigu qaabilay madaxweynaha. Wada-hadalkeennu wuxuu diiradda saaray dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeedka, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan ganacsiga, saadka, iyo horumarinta, annagoo xaqiijinayna sida ay nooga go’an tahay xasilloonida, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo barwaaqada labada dhinac.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso xiisadda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika ka dib markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland. Jabuuti ayaa si adag u cambaareysay tallaabadaas, waxayna u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Somaliland, iyadoo Itoobiya ay ka aamustay arrintaas.

Related posts

Israa’iil oo ka soo jawaabtay danjiiraha ay Somaliland u magacaawday Israa’iil

Cabdi Casiis

“Madaxweyne ragii buurta aad fuushiisay cuqaal ayay ahaayeen, xabadihii Muuse ….”Cuqaal hadashay

mustafeamiin@gmail.com

Maraykanka oo muwaadiniintiisa Bayruut ugu baaqay in ay ka baxaan ama goob ammaan ah tagaan

Cabdi Casiis