Borama News Network

Robin van Persie Oo Shaaciyey Sababtii Uu U Tegay Old Trafford Kulankii Aston Villa Ee Xalay

Robin van Persie ayaa xalay ku sugnaa garoonka Old Trafford oo ay Manchester United guul soo laabasho ah kaga gaadhay Aston Villa, waxaana uu sheegay inay farxad u ahayd inuu goob-joog u ahaado wixii ka dhacay garoonkii uu guulaha ku gaadhi jiray waqtigii uu ciyaartoyga ahaa.

Halyeygan hore ee Man United iyo Arsenal, ayaa waxa garoonka Old Trafford kula sugnaa goolhayihii hore ee Man United ee Edwin van der Sar, waxaana labadooduba ay bilowgii hore dhibsanayeen in saaxiibkooda reer Netherlands ee Erik ten Hag lagu hoggaaminayay 2-0, balse waxay kula dabbaal-degeen guushii soo laabashada ahayd.

Waxa kale oo ku sugnaa garoonka gacanta midig ee Sir Jim Ratcliffe ee Dave Brailsford oo dusha sare ka daawanayay, waxaase hadal-hayn abuurtay imaatinka Robin van Persie ee Old Trafford oo la sheegay inay suurtogal tahay inay ka mid noqon doonaan maamulka cusub ee kooxda.

Robin van Persie oo ay da’diisu tahay 40 jir oo hadda ah tababaraha kooxda da’yarta U18 ee Feyenoord ayaase sheegay in sababta uu yimid garoonka ee uu u daawanayey ciyaartii Aston Villa inay ahayd inuu dib usoo celiyo xasuustiisii hore ee Old Trafford ee waqtiyadii farxadda iyo guulaha.

Ciyaartiisii ugu dambaysay Premier League ee uu Robin van Persie u ciyaaro Manchester United waxay ahayd sannadkii 2013 oo ay 3-0 ku garaaceen Aston Villa, waxaana saddexda goolba dhaliyey Robin van Persie oo kulankii xalayna uu u noqday farxad kale.

Related posts

Maxaa Horyaalka Premier League Looga Waayey Garsoore Madow Ah Muddo 15 Sannadood Ah? – Sam Allison Oo Xalay Beddelay Taariikhda Horyaalka

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Wararkii Ugu Dbeeyay Ee Dagaalka K Socda Dalka Sudan Iyo Barakac Xoogan Oo Ka Socda Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Baarlamaanka DG Puntland: Liiska La Shaaciyay 70% Mahan Mid Soo Maray Habraaca Guddiga Soo Maray.

Abdiaziz Bnnstaff