Borama News Network

Saraakiil Imaaraadka iyo Baxrayn u dhashay oo ka mid ahaa ciidankii ku dhintay toogashada ka dhacday xerada Gen. Goordan

Weerar toogasho ah oo ka dhacay xerada tababarka ciidamada ee General Goordan ee magaalada Muqdisho ayay ku dhinteen saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay oo u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaadheen saraakiil kale.

Dawladda Soomaaliya illaa haatan faahfaahin badan kama bixinin, khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana isla goobtii lagu dilay askarigii ka dambeeyey weerarkan toogashada ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baadhis degdeg ah.

Madaxweynaha oo cusbitaalka ku booqday qaar ka mida saraakiisha u dhashay Imaaraadka Carabta ee ku dhaawacmay weerarkan, ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga imaaraadka carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay weerarkan. Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay, in weerarkan lagu dilay saddex ka mida ciidamada dalkooda iyo weliba sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dalka Baxrayn, kuwaas oo ahaa macalimiin tababarayey ciidamada Soomaaliya.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay baadhitaanka weerarkan argagixiso ay si dhow ugala shaqaynayaan dawladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday xeerada General Goordan ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Deeqaha Iyo Hubka Somalia La Siinayo Waxay Halis Gelinaysaa Amniga Mandaqada Geeska

Abdiaziz Bnnstaff

Dunida Muslimku Waxay U Dabaal Degi Doonaan Xuriyada Falastiin” Hogaamiyaha Iiran

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?

Abdiaziz Bnnstaff