boramanews.com

Shacabka Iiraan oo u dabbaldegaya Guusha ay ka gaareen Maraykanka

Dibadbaxyo lagu muujinayo guusha Iiraan ay ka gaartay dagaalkii ay la gashay Maraykanka iyo Israa’iil ayaa ka socda meelo kala duwan oo Caalamka ah, Dadka isusoo baxaya ayaa garab istaag u muujiyay dowladooda iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo dhiirragelinaya.

Meelo badan oo Iiraan ah, Ciraaq iyo Dalal kale waxaa ka dhacay dibadbaxyo dadka Iiraaniyiinta ah ay u ku muujinayaan guusha Muhiimka ah ay ka gaareen u babac-dhigista Maraykanka & Israa’iil oo awood sheegtay kuna duullay Dalkooda.

Dhanka kale, Dalalka Khaliijka waxaa maanta xiran Goobaha Waxbarashada, Shaqooyinka iyo meelo kale ay dadka ku kulmaan sababo la xiriira in Shacabku xalay ku dhafnayn go’aankii laga sugayay goodintii Trump iyo wadahadalladii socday.

Dowladaha Dalalka Carabta ayaa fasax saacado ah siiyay Dadka oo intooda badan dhafray si ay u hurdaan maadaama colaadda heshiis laga gaaray isla markaana lagu dhawaaqay Xabbad-joojin labo todobaad ah oo inta ay jirto wadahadallo lagu dhinac wadayo si looga dhigo mid joogto ah.

Related posts

Waa maxay waxa ay Iimaaraadka, Turkiga iyo Sacuudiga oo aan isku dan ahayn ka doonayaan Itoobiya

Cabdi Casiis

Mareykanka oo ciidamada Soomaaliya hub iyo agab kale ugu deeqay

Cabdi Casiis

” Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa qaadaya Masuuliyada dagaalka Baydhabo” Saadiq

Cabdi Casiis